Shabana Mahmood ayaa hadalkan sheegtay iyadoo London ku martigelisay madaxa amniga gudaha ee Donald Trump iyo wasiirro ka socda Australia, New Zealand iyo Canada, shir ay yeesheen dalalka Five Eyes ee wadaaga sirdoonka Isniintii.
Shirkan ayaa yimid iyadoo dowladda UK ay cadaadis kala kulmeyso sidii loo yareyn lahaa tirada dadka doonyaha yaryar kaga gudba Kanaalka (Channel).
Sabtidii, oo ahayd maalintii ugu horreysay ee ay si buuxda xilka u haysay Mahmood, ayaa 1,097 qof ku soo gaaray xeebaha UK, taas oo ka mid ah tirada ugu badan ee la diiwaangeliyey hal maalin.
Mahmood, oo markii ugu horreysay hadashay tan iyo markii loo magacaabay xilkan Jimcihii, ayaa sheegtay in mudnaanta koowaad ay u tahay “adkeynta xuduudaha UK.”
Marka ay ka hadleyso fiisaha, waxay tiri: *“Waxaan u aragnaa in fursad xiiso leh ay jirto, gaar ahaan sida aan ula macaamilno dalalka aan muwaadiniintooda dib u qaadan — sidaas darteed waa inaan hubinnaa in dadka aan xaqa u lahayn inay dalkeena joogaan dib loogu celiyo dalkooda hooyo.
Dalalka aan la shaqayn, waxaan ka wada hadleynaa in aan qaadanno tallaabo mideysan oo ay qaadaan dalalka Five Eyes.
Anaga waxaa naga dhigan kara mustaqbalka in la joojiyo fiisaha si aan u muujinno inaan ka doonayno dalalka inay la shaqeeyaan, sharciyada raacaan, oo haddii muwaadin idinka ka mid ah aanu xaq u lahayn dalkeena, waa inaad dib u qaadataan.”*
Wasiirka arrimaha gudaha ma aysan magacaabin dalalka laga yaabo in lagu soo rogo hakinta fiisaha mustaqbalka.
Ra’iisul Wasaare Keir Starmer ayaa horay u sheegay inuu doorbidayo “qaab ka ganacsi badan” oo ku saabsan fiisaha.
Bishii Juun, ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay inuu tixgelinayo in fiisaha UK lagu xiro sida dalalka ay ula shaqeeyaan UK arrimo ay ka mid yihiin aqbalidda qaxootiga la diiday.
Isniintii, afhayeenka ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in heshiis ay gaareen dalalka Five Eyes oo ku saabsan iskaashiga ka dhanka ah socdaalka sharci darrada ahi uu yahay “hub kale oo aan heysanno” isla markaana “muujinayo sida go’aankeennu u yahay inaan adeegsan doonno dhammaan fursadaha si aan uga hortagno socdaalka sharci darrada ah, dadka xaqa u lahaynna dib loogu celiyo.”
Tiradii dadka doonyaha kaga yimid Sabtidii waxay ka dhigtay tirada guud ee sanadkan soo gaaray UK in ka badan 30,000, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, taas oo Mahmood ku tilmaantay “aan la aqbali karin gabi ahaanba.”
Tirada dadka sanadkan doonyaha kaga yimid UK ayaa ka badan 37% sannadkii hore, sida ay falanqeysay wakaaladda wararka ee PA.
Dr Madeleine Sumption, oo ah agaasimaha Migration Observatory ee Jaamacadda Oxford, ayaa sheegtay in “ay jiraan dalal badan oo ay dib u celinta qaxootiga la diiday ay aad u hooseyso isla markaana baahida fiisaha UK ay aad u sarreyso” — iyadoo tusaale u soo qaadatay Hindiya, Bangladesh, Pakistan iyo Nepal.
“Sida dalalkani uga jawaabi karaan hanjabaadaha in la dhimo fiisaha waxay ku xirnaan doontaa inta ay ka daneynayaan in muwaadiniintoodu helaan fiisooyin UK,” ayay tiri.
“Tani way kala duwanaan doontaa, inkastoo qaar ka mid ah dalalka — sida Hindiya — ay taariikh dheer u leeyihiin inay u doodaaan helitaanka fiisaha.”
Markii uu ka jawaabayey hadalka, afhayeenka socdaalka ee xisbiga mucaaradka ah ee Conservative, Chris Philp, ayaa sheegay in “ay ahayd waqtigii dowladda Labour ay joojin lahayd hadalka ad-adag oo ay bilowdo ficil adag.” Wuxuu intaas ku daray in UK sidoo kale jarto gargaarka ay siiso dalalka aan muwaadiniintooda dib u qaadan.
“Dowladda Labour waa mid aad u tabar daran oo aan qaadi karin tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ilaalinta xuduudaha, mana arko wax calaamad ah oo muujinaysa inay wax iska beddeli doonto waqti dhow,” ayuu yiri xildhibaanka Conservative-ka.
Mahmood ayaa wadahadallo la yeelatay xoghayaha amniga gudaha ee Mareykanka, Kristi Noem, oo maamusha hay’adda ICE, isla markaana door muhiim ah ku lahayd dadaallada maamulka Trump ee xoojinta masaafurinta.
Isbahaysiga Five Eyes waa heshiis muddo dheer jiray oo ku saabsan wadaagga sirdoonka qarsoodiga ah ee u dhexeeya Mareykanka, UK, Canada, Australia iyo New Zealand. Waxaa inta badan lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay heshiisyada ugu guusha badan ee dalalka iskaashi sameeya.
Ajendaha shirka ayaa sidoo kale lagu daray xadgudubyada galmada carruurta ee internetka iyo faafitaanka daroogada opioid. Shirkan waxaa ka soo qeyb galay wasiirka badbaadada bulshada ee Canada Gary Anandasangaree, wasiirka arrimaha gudaha ee Australia Tony Burke iyo wasiirka New Zealand Judith Collins.
Mahmood, oo horey u ahayd wasiirka caddaaladda, ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha kadib dib-u-habeyntii golaha wasiirada ee ra’iisul wasaaraha usbuucii dhammaaday, taasoo Yvette Cooper lagu beddelay.
Magacaabisteeda waxaa loo arkay in Starmer uu doonayo inuu muujiyo fariin cad oo ah in la tacaalidda socdaalka sharci darrada ah iyo qaxootiga ay ka mid yihiin mudnaanta ugu weyn ee dowladda, maadaama Mahmood lagu yaqaan gudaha Labour in ay tahay qof adag oo mowqif ku leh arrintan.
Axaddii, wasiirka difaaca John Healey ayaa xaqiijiyey in dowladda ay fiirinayso kordhinta isticmaalka goobaha milatariga si loogu dejiyo qaxootiga, iyadoo qorshaynaysa in dadka laga saaro hoteellada qaxootiga.
Wuxuu intaas ku daray in saraakiishu ay sidoo kale tixgelinayaan noocyo kale oo “deggenaan aan milatari ahayn.”
Post a Comment